Madaxweyne C/weli oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay, Fariina u diray Madaxda Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay xaaldaha amni darro eek u siibadana Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo Maamulkiisa.

C/Wali Gaas oo kulamo lahalaa maalmihii u dambeeyay Mas’uuliyiinta Gobolka ee Puntland,Odayaasha Dhaqanka,Ganacsatad Dhallinyarada iyo haweenka ayaa Dadka ku nool Waqooyiga Gaalkacyo u sheegay in Amni darrada looga bixi karo wada shaqeyna Hay’adaha amniga iyo Dadka Shacabka ah.

Gaa,waxaa uu sheegay in Magaalada Gaalkacyo ay hadda mareyso meel ka hooseysa halkii ay mareysay markii uu isaga qabanayay Talada Puntland,waxaana uu si gaar ah u sheegay in Amniga Gaalkacyo uu yahay mid hooseeya,halka uu dhismaha ku sheegay in maamulkiisa uu magaalada isbeddel ku sameeyay.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri “Reer Gaalkacyo waxaa ay u hubeysanyihiin Qabiil Qabiil,jufo jifo,sidee ayey ku dhici kartaa in maalin waliba Wiil madax jebis ah uu dilo Hal-doorka Bulshada?”.

Dadka Gaalkacyo ayuu Madaxweyne Gaas ugu baaqay in ay amniga kala shaqeeyaan Hay’adaha Amniga Puntland si loo xaqiijiyo amniga,waxaana uu ka codsaday in marka ay dhacaan fal dambiyeedyada aysan cabsnin Dadka oo ay la hadlaan Hay’adaha baarista.