Faah faahino dheeraad oo ka soo baxaya dil galabta ka dhacay Gobolka Galgaduud

0

Koox Maleeshiyo ah ayaa Tuulo u dhaw Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud oo uu ka Arimiyo Maamulka Galmudug Galabta ku dishay Labo Nin oo Xoolo dhaqato ah.

Wararka ayaa sheegaya in Goobta uu ku dhintay Hal nin,iyadoo midka kale Dhaawac Halis ah lagu qaaday.

Dilka ayaa salka ku haya Aano Qabiil sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud.

Degaanada Galmudug ayaa waxaa ka dhaca inta badan Dilal ku saleysan Aar-goosi Qabiil,iyadoo Degaano dhaca Koofurta Gobolka Mudug ay ku dagaalameen Labo Maleeshiyo Beelood.