DAAWO VIDEO:- Gudoomiye Tarsan oo shaki geliyay madax banaanida Guddiga Doorashooyinka

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa shaki geliyay madax banaanida Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u magacaabay.

Guddigaan ayaa ka kooban 22 ruux oo 7- ka mid ah ay yihiin Haween, kuwaasi oo Madaxweynaha Digreeto uu ku magacaabay, kadib cabasho badan oo ka timid Guddi hore uu Madaxweynaha magacaabay.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa shaki geliyay madax banaanida Guddigaan, isaga oo sheegay inay ku jiraan xubno la shaqeeya Xafiisyada sare ee dalka.

Waxa uu sheegay xubnahaasi la shaqeeya Madaxda sare ee dalka inay shaki gelin karaan madax Banaanida Guddiga Doorashooyinka oo loo baahan yahay inay ka madax banaanadaan Madaxda Dowladda.

“Guddiga doorashada sideedaba waxaa loogu talo galay inay ahaadaan guddig dhex dhexaad ah oo dadka ku tartamaya doorashada aanay xiriir la laheen, inkastoo guddiga dhawaan la magacaabay uu sidii hore dhaamo ayaa weli waxaan arkeynaa la taliyeyaashii madaxda sare oo guddiga ku jira, waxay abuureysaa shaki, shacabka kalsoonidiisa waxbay u dhimeysaa, dad doorashada hammi uga jiro dad la taliayeyaal u ah inay soo galaan looguma talo-gelin, dareenkaasi ayaan qabnaa.” Ayuu yiri Tarsan.

Somaliya ayaa la filayaa Bil kadib inay ka dhacdo Doorasho sida qorshaha uu yahay, iyadoo aysan muuqan Diyaargarow badan oo loogu jiro Doorashada.

Madax banaanida Guddiga Doorashada dalka ayeey madaxda Xisbiyada ku sheegeen inay keeni karto Doorasho xalaal ah inay dalka ka dhacdo.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-