Garaad Abshir Garaad Saalax oo ku geeriyooday dalka Sweden

0

Allaha u naxariistee Garaad Abshir Garaad Saalax oo ka mid ahaa oday dhaqameedyada gobolka Sool iyo Buuhoodle ayaa ku geeriyooday dalka Sweden.

Garaad Abshir ayaa u geeriyooday xannuun uu in muddo ahba u jiifay, sida ay xaqiijiyeen geerida marxuumka. Garaadka oo 82 sano jir ahaa ayaa ifka ugaga tegey 32 ruux oo isugu jira waxa uu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyeyaal kale oo dhaqan iyo siyaasiyiin isugu jira ayaa geerida marxuumka ka tacsiyadeeyey ehelkii, qaraabadii iyo umadda uu ka baxay.

Garaadka oo aad looga yaqaanay Gobolada dhexe ilaa gobolada Waqooyi  door weyna ka qaadan jiray arrimaha nabadeynta.

Garaadku waxaa xilka garaadnimo loo doortay sanadii 1993 waxaana uu ahaa garaad muddo ku dhow 23 sano. Hase yeeshee Garaad Abshir ayaa kahor intii aan loo duubin garaadnimada waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada booliska Soomaaliyed waxana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii hore ee Siyad Barre.