DHAGEYSO:- Xaalada dhaawacyadii la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Baydhabo

0

Waxaa xalay madaafiic lagu garaacay magaalada Baydhabo ee xarunta ee gobolka Bay.

Madaafiic ayaa la sheegaya in ay ku dhaceen xarumo kala duwan oo ku yaala magaalada Baydhabo sida ay idaacadda Risaala ay u sheegeen madax ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Agaasimaha isbitaalka magaalada Baydhabo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhaawacyo iyo sidoo kale meydad fara badan la geenay isbitaalka.

ilaa iyo hada inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana  wey ku dhaawacmeen  sida uu kusoo waramaayo wariyaha Risaala ee magaalada Baydhabo.

Dadka ku dhintay madaafiicda xalay lagu tuuray Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah ilmo yar.

Kudhawaad 20 kale oo dhaawac ah  ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kuwaa soo   waxyeelo ka soo gaartay madaafiicdii lagu garaacay Baydhabo.

Hoos ka Dhageyo Codka:-