DHAGEYSO:- Tirada Maxaabiista Xabsiyada Puntland laga sii daayay oo la shaaciyay

0

Taliyaha ciidanka asluubka iyo xabiyada dowladda Puntand GeneralCali Nuur Cali ayaa sheegay inay saakay xabsiyada Puntland kasii daayeen 97 maxaabiis ah oo ku kala xirnaa xabsiyada kala duwan ee Puntland.

Taliye Cali Nuur ayaa sheegay maxaabiistaan inuu cafis ufidiyay madaxweynaha dowladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo cafiskaan ku weynayay ciida barakaysan awgeed.

GeneralCali Nuur wuxuu sheegay in maxaabiistaan laga kala siidaayay xabsiyada ku kala yaala magaalooyin waaweyn ee Puntland, sida Gaalkacyo oo laga siidaayay 13, Garowe 24, Qardho 29 maxbuus iyo Bosaso oo laga siidaayay 31 maxaabiis ah. Wuxuu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan maxaabiista lasii daayay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-