DAAWO SAWIRADA:- Maxkamad ku taalla Norwey oo muwaadin Soomaaliyeed ka cafisay dil uu geystay 16-sano ka hor

0

Maxkamad magaalada Tromsø ee waqooyiga Norway ayaa cafisay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Malik Yusuf, kaasoo muddo 16-sano ka hor dil u geystay muwaadin kale oo Soomaali ahaa.

Kiiska dacwadan oo aan la furin tan iyo sanadkii 2002-dii ayaa dib uga bilowday magaaladan Tromsø ee ugu weyn woqooyiga dalka Norwey Talaadadii la soo dhaafay, taasoo socotay muddo afar maalmood ah, kadib markii uu racfaan ka qaatay Malik xilligaas kana baxsaday Norway oo ay baaris iyo dabagal ku hayeen halkii uu u baxsaday.

Malik Yusuf ayaa bishii November sanadkii 2001-dii ku dilay magaalada Storslett ee Gobolka Nordreise ee dalka Norway muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ali Mohamed, kadib markii uu saddex jeer Mindi ka geliyey Dhabarka dhaawicii gaarayna u geeriyooday.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ayaa dhagestay Dacwad-oogaha dowladda Norway iyo Qareenka difaacayay Wiilkaan dilka geystay oo la sheegay in khilaafkoodu marka hore ka bilowday arrimo ku saabsan qabaa’ilka.

Xeer ilaalinta maxkamadda Tromsø ayaa ku dhawaaqday Go’aankii ugu dambeeyey ee kiiska dacwaddan, iyadoo la cafiyey Malik kadib markii uu qareenkiisa ku dooday inuu isdifaacayay balse maxkamaddu waxa ay shaacisay in aysan kala saari karin in ninkaasi uu si ula kac ah u dilay iyo inuu isdifaacayay, sidaas darteedna ay maxkamaddu qaadatay go’aankaas.

Malik ayaa u baxsaday dalka Ingiriiska, kadib markii uu dilkaasi geystay, isagoo magangelyo ka helay  hase yeeshee  bishii Febraayo ee sanadkan 2016-ka ayaa Booliska caalamiga ah ee Interpol u soo gacan geliyeen dowladda Norway, kadib markii fara dambiyeed laga helay isagoo ku sugan dalka UK.

Ka qeybgaleyaasha dhageysiga dacwaddan loo heysto Malik ayaa filayay inuu wajahi doono xukun dhan 7-sano ama ka badan, inkastoo ay maxkamaddu qaadatay Go’aan ka duwan natiijadii ay sugayeen, waxaana arrintaan si weyn diiradda u saarayay Tv-yada iyo wargeysyda waa weyn ee dalkani Norway.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

norway

1111 2222 3333