DAAWO:- Maxaa u qabsoomay Dowlada Soomaaliya Isbuucii la soo dhaafay?..

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Ciidanka XDS oo la wareegay deegaanka Ceel-Hareeri, Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo la daahfuray, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Belguim, Ciidanka Dowladda oo dib ula wareegay deegaanka Goof-Gaduud, Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Deeq Raashin ah gaarsiisay 6 Isbitaal, Somalia iyo Kenya oo ku heshiiyey qorshaha dib u celinta Qaxootiga, Warshada Tababarka Maxaabiista oo horumar ku tallaabsatay, Isbitaalka War-Sheekh oo la dhagax-dhigay, Tababar loo fidiyey wariyeyaasha Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxweynaha oo furay xarun lagu xanaaneeyo gabdhaha agoonta oo dib u habeyn lagu sameeyay

Ciidanka XDS oo la wareegay deegaanka Ceel-Hareeri

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa 29kii June 2016 si buuxda ula wareegay degaanka Ceel-Hareeri ee Gobolka Gal-gaduud, halkaasi oo horay ugu sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Ugu yaraan Toban Qof ayaa looga dilay Kooxda Al-Shabaab, todoba kalana gacanta ayaa lagu dhigay, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay Degaanka Galcad ee isla Gobolka Galgaduud.

Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo la daahfuray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29kii June 2016 daah-furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan), kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya yeelato muddo haatan laga joogo 30 sanno. Madaxweynaha ayaa sheegay in dukumentigan kooban uu yahay dhaxal loogu talagaley jiilka hadda jooga iyo kuwa soo socda, sidaa darteedna loo baahan yahay in wax walba oo ku jira si taxaddar leh loo fuliyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si barnaamijkan uu dhaqangal u noqdo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu qiimeeyo qorshaha ku xusan, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan iyo isa sixid. Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona muddo 3 sanno ah ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga, hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga. Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Cabdiraxmaan Caynte.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Belguim

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warqadaha aqoonsiga danjinimo ka guddoomay Ms Roxane De Bilderling oo ah safiirka cusub ee boqortooyada Belgium-ka u soo magcaabdey Soomaaliya. Madaxweynaha iyo safiirka Belgium, ayaa kulan ay wada qaateen waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo in dowladda boqortooyada Belgium ay Soomaaliya ka taageerto arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, dhismaha hey’adaha iyo amniga dalka sidii wax looga qaban lahaa.

Ciidanka Dowladda oo dib ula wareegay deegaanka Goof-Gaduud

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwo maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa 27kii June 2016 dib ula wareegay deegaanka Goof-gaduud oo 30km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Taliyaha qeybta 60 aad ee Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Ibraahim Yarow ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay la wareegeen deegaanka isla markaana aan wax dagaal ah ka dhicin. Janaraal Ibraahim ayaa sheegay in sababta markii hore ciidanka ay ugu soo baxeen ay aheyd xeelad ciidan u jeeadadii laga lahaana laga gaaray.

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Deeq Raashin ah gaarsiisay 6 Isbitaal

Wasaarada Arrimaha Gudaha & Federaalka ayaa 29kii June 2016 Deeq gaarsiisay lix isbitaal oo ku yaala magaalada Muqdisho isla markaana ay kamid ahaayeen isbitaalada Madiina iyo isbitaalka Xooga Dalka. Deeqdan ayaa waxaa ay qeyb ka aheyd raashiinkii walaalaha Turkiga ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed. Dr. Maxamed Yuusuf oo ah Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin deeqdan la soo gaarsiiyay isla markaana si cadaalad ah u gaarsiin doonaan bukaanada ku jira Isbitaalka. Raashiinkan oo ka kooban Bur iyo Sonkor ayaa waxaa sidoo kale dhakhaatiir ka socotay isbitaalada kale oo deeqdan ka faa’ideystay ay dhankooda sheegeen in ay u mahadcelinayaan dowladda Turkiga iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha oo soo gaariisay raashiinkan.

Somalia iyo Kenya oo ku heshiiyey qorshaha dib u celinta Qaxootiga

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa 25kii June 2016 ku heshiiyay qorshe lagu daradar galinayo dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Dhadhaab, ayadoo loo marayo heshiiska saddex geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. Shir ay ku yeesheen magaallada Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, dhiggiisa Kenya Aamina Maxamed iyo madaxa UNHCR Filippo Grandi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed lagu sheegay in dhammaadka sanadkan 2016-ka la qorsheeyay in Soomaaliya lagu celiyo boqol iyo konton kun oo qof oo Soomaali ah, ayadoo la raacayo heshiiska saddex geesoodka ah. UNHCR ayaa sheegtay in dhammaadka bishii May ee sanadkan ay tirada qaxootiga ah ee ku nool Dhadhaab ay hoos u dhacday ayna gaartay 326,000 oo qof.

Warshada Tababarka Maxaabiista oo horumar ku tallaabsatay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta S/guuto Cilmi Waasuge Coloow ayaa Kormeer ku tagey Warshadda Tababarka Maxaabiista. Taliyaha ayaa ku soo wareegay qeybaha warshadan oo soo saarta Agabyo kala duwan islamarkaana farsamada gacanta lagu barro Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar. Taliyaha Asluubta ayaa sheegay in la hormarin doonno Xirfadda dadka ka shaqeynaya Warshadda Ciidanka Asluubta, isagoo tilmaamay in warshadan ay soo saarto Agabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Qalab xafiiseedka, Agabka Jaamacadaha, Qoryaha Salaanta ay ku qaataan Ciidanka iyo qalab kale.

Isbitaalka War-Sheekh oo la dhagax-dhigay

Munaasabadda dhagax dhigga Isbitaal loogu tala galay Hooyada & Dhallaanka ee degmada Warsheekh ayaa 28kii June 2016 waxaa ka qeybgalay, maamulka degmada iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Warsheekh. Dhaqaalaha dhismaha Isbitaalka oo ay iska kaashanayaan qeybaha bulshada ee ka soo jeedda degmadaasi, ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay, Gud. Degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed iyo Sh. Qaasim Sh. Cabdi Ow Cumar, oo ah Shiikha Degmada Warsheekh. Jawaahir Baarqab, oo ah guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir oo ka-mid ah masuuliyiintii ka qeybgashay xafladda dhagax dhigga ayaa sheegtay in faa’ido weyn uu Isbitaalku u leeyahay ka warqabka xaaladda caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka degmada.

Tababar loo fidiyey wariyeyaasha Wasaaradda Warfaafinta

Siminaarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa warfidiyeennada fursadda u helay ku barteen qaabka sawir qaadista iyo sida loo tayeeyo muuqaalada. Aqoon kororsigaan waxaa ka qeyb qaatay wariyayaal ka kala socda qaybaha kala gadisan ee warbaahinta Qaranka sida wakaaladda Sonna, Talefishinka qaranka, iyo Radiyo Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) iyo Agaasimaha Shaqaalaha & Tababarada Cabdiraxiim Ciise Caddow ayaa xusay muhiimadda uu warfidiyeenada u leeyahay tababarka iyo inay ka faa’ideystaan aqoon kororsiga, isla markaana khibradda ay ka helaan ay ku dabaqaan howlahooda shaqo.

Madaxweynaha oo furay xarun lagu xanaaneeyo gabdhaha agoonta oo dib u habeyn lagu sameeyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliso Marwada Koowaad, Marwo Qamar Cali Cumar, ayaa 30kii June 2016 furay Xarunta Xanaanada Agoonta Gabdhaha Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay. Xaruntan oo adeegyo isugu jira hoy , waxbarasho iyo daryeel kaleba loogu fidiyo in ka badan 300 oo arday, ayaa waxaa dayactirkiisa iyo dib u dhiskiisa maalgelisay safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ay ku leedahay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sheegay in qof walba oo Soomaaliyeed oo u istaaga inuu wax san qabto uu riyadiisa ka dhabeyn karo, isagoo u mahad celiyay maamulka xaruntan oo uu sheegay inay qabteen hawl ku dayasho mudan. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in jiritaanka xarumahan agoomaha ay fariin u yihiin dhammaan Soomaalida si ay u joojiyaan colaadda iyo dilka micna darrada ah ee horseeday in kumanaan carruur ah ay waayaan waalidkooda. Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Soomaaliya, Dubbad Dayib Roble, iyo Nuurto Maxamed Jaamac oo ah maamulaha Xarunta Xarunta Xanaanada Agoonta Gabdhaha Degmada Boondheere.

– Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

unnamed-1-1 unnamed-2-1-640x427 unnamed-3-1-640x427 unnamed-5-1 unnamed-6-1 unnamed-8-1 unnamed-9-1-640x427 unnamed-10-1 unnamed-11-1-640x427 unnamed-12-640x427