XOG:- Maxay Tahay Sababta uu Cabdi Weli Gaas Safar deg deg ah ugu Yimid Gaalkacyo ?

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa safar ku yimid galabta magaaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dr. Gaas iyo wafdigiisa ayaa intii ay jidka ku soo jireen waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalooyinka Jalam, Burtinle, Xarfo, Bacaadweyn iyo Cagaaran, isla markaana Madaxweynuhu waxa gacan qaaday boqollaalkii dadweynaha ahaa e kusoo dhoweeyey magaalooyinkaasi qaarkood, waxaana uu kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan adkaynta amniga iyo xasiloonida degaanadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magaalada Burtinle kulan gaar ah kula qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo kamid ah asaasayaashii Puntland, waxaana ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo Islaanku xaaladda guud ee nabad-gelyada gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa si weyn u soo dhoweeyey Wasiiro ka tirsan maamulkiisa Xildhibaano, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah.

C/wali Gaas iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey ujeedka socdaalkiisa.

Prof.Gaas ayaa sheegay in ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin sidii isbeddel dhinaca amniga ah loogu samayn lahaa magaalada oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal is xig-xiga oo lagu bar-tilmaameed-sanayey dadka biri-mageydada ah ee ku dhaqan magaaladaas.