TOOS U DHAGEYSO:- Xildhibaan Cllaahi Cumar Oo Iska Casilay Xubinimada Guddiga Dagaalkii Qeydaro

0

Xilli Galmudug ay  Horay u  magacaawday guddi ka kooban 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, xildhibaano, iyo waxgarad kale, gudigaas ayaa shaqadiisu tahay in ay soo baaraan sababihii keenay dagaalkii laba beelood oo walaala ah ku dhex maray duleedka deegaaanka Qeydaro.

Hadaba xubin ka tirsan gudigii  la magacaabay ayaa maanta iska casilay xubinimada gudigaas, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Maxamed(Gureey) ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey in hoggaanka Galmudug aysan diyaar u aheyn wax ka qabashada colaadda Qeydaro, isagoo ugu baaqay beelaha deegaankaas ku dagaalamay in ay aayahooda ka tashadaan, ay dhexdooda heshiiyaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu filay in guddigan uusan waxba ka qaban karin howsha loo igmada, maadaama aysan madaxda Galmudug daacad ka aheyn arinta.

HALKAAN KA DHAGEYSO