Maxaa ka jira Muranka ka dhashay siyaasadda Qaran ee Jinsiga?

0

Siyaasadda Qaran ee Jinsigu (National gender Policy)[1],  oo ay dhowaan soosaartay wasaaradda Haweenka iyo Hurumarinta xuquuqda aadanaha, ayna meelmariyeen golasha Wasiirada ee Dowladda Dhexe, ma aha xeer iyo Sharci toona, mana aha mid rasmi ah illaa ay marto golasha shacabka, uuna saxiixo madaxweynuhu,  sidaas awgeed marna ma aha xeer haysta tilmaan qaanuuni ah iyo dhowrsanaan sharci, waana sababta ay u bannaan tahay in muwaadiniinta oo dhammi ka hadlaan ka hor inta aan la gelin codeynta golaha wakiilada.

Siyaasaddan oo hadda sugeysa in goaha shacabku ka qabsado howshiisa dastuuriga ah, waxa ka dhashay muran aan u fahay in uu ku saleysan yahay habka ay u dhigan tahay, kaas oo gaaray in culimada qaarkeed ka hadlaan, waxa aan aqriyey baaqa hay’adda culimada ee tirsigiisu yahay BH/02/1437 H, kaas oo baahintiisu sababtay in su’aalo badan ay muwaadiniintu iska weydiiyaan  siyaasadda Qaran ee Jinsiga iyo waxa ay ku saabsan tahay.

Dhowr qof oo aan saaxiibo nahay ayaa I weydiiyey waxa aan ka ogahaya siyaasadda Qaran ee Jinsiga, qaarkood aad ayay uga walaacsanaayeen habka uu u qornaa baaqa Hay’adda Culimadu.

Waxa sababay walaaca muwaadiniinta ee ku saasban siyaasadda Qaran ee Jinsiga, ayaa ah in aanay jirin xog fiican oo ay ka hayaan siyaasaddan iyo waxa ay ka dhigan tahay,  waana taas sababta aan u qaatay sameynta qoraalkan.

Marka hore  qodobada ku qoran baaqa Hay’adda Culimadu kuma jiraan qoraalka siyaasadda Qaran ee Jinsiga, hayeeshee waxa ay ku jiraan heshiisyo caalmiga ah oo ay siyaasadda Qaran ee Jinsigu dalbaneysao in la saxiixo, sida heshiiska ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah haweenka ama Convention on the Elimination of All Forms of Discrimination against Women (CEDAW)[2]

Axdiga CEDAW oo la dhigay sanadkii 1979-kii,  waxa uu dhigayaa tusaale ahaan marka uu ka hadlayo dhanka siyaasadda iyo nolosha guud, qodobkiisa 7aad:  in ragga iyo dumarku u siman yihiin habka codeynta iyo doorashada, sidaas oo kalana  ay ka siman yihiin qabashada xilalka dowladeed, iyada oo aan kala sooclahayn.

Sidaas oo kale marka uu ka hadlayo guurka iyo nolosha qoysaska, waxa uu qodobkiisa 16aad,  ku sheegayaa in haweenka iyo raggu u siman yihiin dhanka guurka, oo gabdhuhu ay dooraan karaan guurka qofkii ay doonayaan, waxa kale oo uu dhigayaa in dumarku ay dooran karaan tirada carruurta ay dhalayaan, waxa kale oo uu intaas ku darayaa Axdiga CEDAW, in haweenku ay xaq u leeyihiin in ay ku yeeshaan xuquuq siman hantida ninkii guursaday.

Ujeedku waxa uu yahay in waalidku, gaar ahaan aabayaashu aanay kaalin ku yeelan guurka gabdhahooda, oo gabadhu ciddii ay doonto guursan karto.

Midda ku saabsan doorashada carruurtu waa mid dhaqan ahaan aan la jaanqaadi Karin nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu Axdigani ku waajibinayaa dowladaha saxiixay iyo kuwa sixiixi doonabada in ay sameeyaan da’ iyo xilli guur, oo ay ku waajibiyaan muwaadiniintooda.

Siyaasadda aran ee jinsigu waxa ay leedahay:

“Waxaa lagama maarmaan ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay saxiixdo[3] dhamaan sharuucaha caalimga ah iyo kuwa heer gobol sida kan ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah haweenka (CEDA[4]W), heshiiska xuquuqul insaanka Afrika (ACHPR) heshiiskii xuquuqda dadka iyo haweenka 2003 ( the Mabuto pratocol), heshiiskii Solemn ee sinaanta labka iyo dhedigga ee Afrika (SDGEA), heshiiskii ka hortaga cadaadiska iyo faraxumeynta ka dhanka ah haweenka iyo caruurta , mabaa’didii talaabooyinka Beijing iyo qaraaradii qaramada midoobey oo tirsigoodu ahaa 1325 iyo 1820”

Axdiga (CEDAW) oo ay leeyihiin saxiixeen dowlado aan Islaamku ahayn diinta dowladda, waxa uu ka hor ianayaa xeerka qoyska ee Islaamka, oo ragga siinaya kaalinta iyo mas’uuliyadda qoyska, iyada oo Islaamku  hantida ragga geeriyooda ka siinaya dumarkoodu dhaxal xaddidan oo aanay jirin cid ka yareyn karta ama ka badain karta inta uu Islaamku u jideeyey, marka la joogo waddan ay diinta Islaamku tahay diinta dowladda.

Sidaas oo kale Axdiga (CEDAW) waxa uu qilaafsan yaay dastuurka Kmg ah ee Soomaaliya oo cutubka 1aad, qodobkiisa 2aad, dhigayo:

Islaamku waa Diinta Dawladda.

Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.

Waxyaabaha ku qoran siyaasadda Qaran ee Jinsiga ee lagayaabo in ay ka hor imanayaan dastuurka Kmg ah ee hadda jira waxaa kamid ah:-

“Siyaasadan waxaa lansixinayaa iyadoo axdiga ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah Haweenka (CEDAW) taasoo la magacaabey gudi ay u dhanyihiin dhamaan agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha xukuumada federaalka Soomaaliyeed kuwaasoo muhiim u ah u ololeynaytan ansixinta dowladda iyo fulinteedaba”…

“Siyaasadda Genderka Qaranka waxa hagi doona: Shareecada islaamka,dastuurka KMG ah iyo sharuucada caalamiga ah ee xuquuqul aadanaha”

“Ula jeedada laga leeyahay siyaasadda Genderka ee heer qaran (NGP) waa sidii ay hay’adaha dowladdu ay si dhab ah ugu hirgelin lahaayeen dhamaan heshiisyada caalimga ah oo la xiriira Genderka”…..

Dejinta Siyaasadda Qaranka ee Jinsigu, waxa ay u baahan tahay indheer-garad iyo xog-ogaal si fiican u lafa gura, iyada oo maanka lagu hayo, wixii dhacay sanaddii 1975-tii, mar walba oo muwaadiniinta Soomaaliyeed maqlaan siyaasad ku saabsan Jinsiga iyo xuquuqda ragga iyo dumarka waxa ay ku xirayaan dilkii dhowr iyo toban nin oo culimo iyo taageerayaal isugu jiray, kuwaas oo loo dilay in ay mucaaradeen siyaasaddii aragtiga howl iyo hanti-waddaagga ee lagu sheegay in ragga iyo dumarku siman yihiin.

Dejinta xeerarka iyo qawaaniintu waxa ay mar walba dhowraan diinta dhaqanka iyo caadada dadka dhiganaya, marna ma aha suurtagalin xeerarku jiiraan aaminaadda iyo dhaqanka bulsho, haddii taasi dhacdana waxa ku xiga in xeerarka iyo muwaadiniinta lagu dhaqayaa ay isdiidaan, taasina waxa ay horseedda dagaal iyo qilaaf joogto ah.

Inkasta oo lagu sheegay qoraalka siyaasadda Qaranka ee Jinsiga in waxa hagayaa ay yihiin  Shareecada islaamka,dastuurka KMG ah iyo sharuucada caalamiga ah ee xuquuqul aadanaha, haddana waa in aan ogaanaa in Xeerka CEDAW oo kamid ah kuwa caalamiga ah uu ka hor imanayo Shareecada iyo Dastuurkaba, sidaas awgeed waa in dejejiyeyaasha siyaasadda Qaran ee jinsigu isweydiiyaan sidee ayay hagayaal ugu noqonayaa siyaasadda iyaga oo is diiddan?