DHAGEYSO TOP+DIGNIIN:- Al-Shabaab oo Hanjabaad soo saartay, Ciidamada Dowlada oo feejignaan ku jira iyo Shacabka oo arimo muhiima lagala hadlay

0

Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada Boliiska dalka Kenya Joel Kitili ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku hanjabeen in ay weerarro ka geysan doonaan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya iyo wadanka intiisa kale, isaga oo sheegay in ciidanka Boliiska looga baahan yahay in ay feejignaan ku jiraan waqti walba.

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska,oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaarrisa ee dalka Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab mar walbaa laga filan karo in ay weerarro ka geystaan gudaha dalka, hadana ay qorsheynayaan in ay arbushaad ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Mr Kitili oo la dardaarmayay saraakiil ka tirsan ciidamada Boliiska ayaa intaa ku daray in Al-shabaab ay mar waliba isku dayayaan in ay waxyeeleeyaan shacabka intiisa kale,balse looga baahan yahay shacabka hadii ay arkaan waxyaabo qal qal galin kara amniga in ay u soo gudbiyaan ciidamada boliiska.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in laamaha amaanka ay la qabsadaan wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo xaqiijinta dhanka amaanka, si mar walbaa looga hortago hanjabaadaha iyo weerarrada ka yimmaadda dhanka Al-shabaab.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha usoo galeen dalka Soomaaliya,waxaa fuulay dalka Kenya culays xagga amaanka ah,waxaana ay weeraro ay dad badani ku dhinteen Al-shabaab ay ka geysteen Kenya, iyagoo sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ilaamaa ay Kenya kala soo baxdo ciidamadeeda dalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO