DHAGEYSO WAREYSI MURUGO BADAN:- Aabe Caruurtiisa ay Xasuuqday Kenya oo Wareysi Muruga leh bixiyey, Fariina u diray Xasan Sheekh

0

Waxaa qeybo kamid ah gobolka Geddo duqeymo ka geestay Diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Kenya duqeynahaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay dhul baadiyo ah oo ku yaalo degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo,waxaana la xaqiijiyay in duqeynahaas ay ku geeriyoodeen 4 Caruur ah oo isku qoys ah.

Cabdi Casiis Xaaji oo ah Aabaha dhalay caruurtaas oo caawa Wareysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Caruurtiisa ay u geeriyoodeen duqeyntaas islamarkana iminka uu aasay.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in duqeentaas ay ka dambeeyaan diyaaradaha dowladda Kenya, islamarkaana dowladda Somaaliya looga baahan yahay in Kenya ay arimahaas kala xisaabtanto.

HALKAAN KA DHAGEYSO