Wafdi heer Caalami ah oo gaaray Magaalada Baladweyne iyo howlo Culus oo ka bilowday

0

Wafdi ka socda Hay’adaha samafalka ee wadanka Qatar iyo hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa maanta magaalada Baladweyne ka bilaabay qaybinta gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaaddii uu webiga Shabelle ku sameeyay magaaladaasi.

Waxaa qaybinta gargaarkaasi goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya iyo safiiradda wadamada Muslimiinta ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Sidoo kale waxaa laga bilaabayaa gobolka mashruucyo horumarineed ee ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka.