Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay Gantaallo hor leh

0

Kuuriya Koonfurta ayaa sheegaysa in Kuuriyada woqooyi ay tijaabisay labo gantaal oo hor leh, iyadoo jebisay xayiraadihii ay horey qaramada midoobey ugu soo rogtay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in gantaaladaasi oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa riddada dheer ay tijaabintooda kala dambeysay muddo labo saacadood ah.

Kuuriya Koonfurta ayaa kal hore sheegtay in tijaabada gantaalkii ugu horreeyay lagu fashilmay.

Ra’iisalwasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa cambaareeyay tijaabada gantaaladaasi ee woqooyiga, tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid aan loo dul qaadan karin.

Xayiraado caalami ah oo saarnaa xukuumadda Pyongyang ayaa kal hore sanadkan la sii adkeeyay kaddib markii ay tijaabisay hubkeeda niyuukleerka iyo gantaalada riddada dheer.