DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya tiro Madaafiic ah oo Xalay lagu tuuray Xerada AMISOM

0

Ugu yaraan 1 Ruux ayaa dhintay labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic xoogan ku qaadeen Xerada Ciidamada AMISOM ee deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaafiicdan oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 5 ayaa labo ka mid ah waxay ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degaanka Halgan, halka 3-da kalena ay ku hoobteen Xerada Ciidamada AMISOM.

Weli lama ogaan khasaaraha ka dhashay Madaafiicdii ku dhacday gudaha Xarunta Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in labo mid ah hoobiyeyaashaasi ay ku soo dhaceen Xaafadaha Halgan islamarkaana uu halkaasi ku dhintay 1 Ruux oo shacab ahaa.

Dhawaan ayee aheyd markii Al-Shabaab ay Weerar khasaaro kala duwan geystay ay ku qaadeen Xerada Ciidamada AMISOM ee Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-