DHAGEYSO WAREYSI:- 7 ka mid ah Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal laga fuliyay deegaanka Masagawaa

0

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa deegaanka Masagawaa waxa ay ku dileen 7 ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgalo ay ka sameeyeen deegaankasi.

Daa’uud Abuukar Cabdi Daa’uud Gacameey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa waxa uu faah faahin kaga bixiyay howlgal ay ku qaadeen Rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Masagawaa.

Taliyaha ayaa sheegay in ujeedka howlgalkasi uu ahaa iney gacanta ku soo dhigayaan Nin la sheegay inuu Madax sare ka yahay Al-Shabaab balse waxa uu tilmaamay in daqiiqado ka hor uu deegaanka isaga baxay isla markaana aysan u suurta gelin Ciidamada Dowlada Iney gacanta ku dhigaan.

Waxa uu sheegay in dhankooda uu ka dhintay hal Askari, sidoo kalena aysan jirin dhaawac soo gaaray Ciidamada Howlgalka sameeyay.

Taliye Daa’uud Abuukar Cabdi Daa’uud Gacameey ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ay ka sameynayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan 7 Ruux ee la sheegay in loogu dilay deegaanka Masagawaa.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-