DHAGEYSO:- Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Natiijada Shirka Maanta ka furmaya magaalada Beydhabo

0

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa maanta ka furmaya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran,waxaana Shirkaas ka qeyb galaya Dowladda Federaalka ah,Dowlad Goboleedyada ka jira dalka iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu maanta gelinka dmabe ka furmo Baydhaba,Amaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyada oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa Isha ku haya,waxa ka soo bixi kara Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashada 2016ka Dhamaadkeeda ka dhaceysa Dalka.

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa siyaabooyin kala duwan ugu hadlay waxayna ku kala aragti duwanaadeen natiijada shirka.

Hoos ka Dhageyso Codadka:-