DHAGEYSO:- Sarkaal Cadaan ahaa oo lagu dilay Weerarkii ka dhacay deegaanka Halgan

0

Sarkaalkan oo lagu magacbi jiray Khattab Al-Masri oo u dhashay Dalka Masar ayaa la shaaciyay in uu ku dhintay Weerar xoogan oo Xarakada Al Shabaab ay dhawaan ku qaadeen Saldhig Militari oo Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Muwaadinkan ka soo jeeday Dalka Masar ee lagu Dilay Weerarkaasi ayaa waxuu xiriir dhow la ahaa Cumar Xamaami oo ahaa Dagaal yahan Mareykanka oo ka dhinac Dagaalmayay Xarakada Al Shabaab.

Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaciyay in Weerarkii Halgan ay ku Dileen in ka badan 100 Dagaal yahan oo uu ku jiray Khattab Al-Masri oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

Weli ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Madaxda Dowladda Masar oo ku aadan Muwaadin u dhashay Dalkeeda in lagu Dilay Weerarkii xooganaa ee lagu qaaday Xerada Ciidamada Itoobiya ee Degaanka Halgan.

Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday iney dileen ku dhawaad 60 Ruux oo ka mid ahaa Ciidamada Itoobiya ka dib weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-