DEG DEG:- Kooxo hubeysan oo degmada Wadajir dil ka geystay

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka Suuqa weyn ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay maanta degmadaasi ku dileen Askari ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dilka ayaa la sheegay in uu dhacay maanta barkhadii waxaana kooxihii dilka geystay ay isaga baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Maamulka degmada Wadajir iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Taliyaha Boliiska degmada Wadajir ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Maamlmihii udambeeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.