DHAGEYSO:- Dagaal Culus oo Maalintii labaad ka socda Koofurta Gobolka Mudug

0

Dagaal Culus oo u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beelood ayaa Saaka dib uga qarxay Degaanka Kheydaro ee Koofurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa hadda si xoog leh uga soconaya halkaa,waxaana uu daba joogaa Dagaal Xalay ilaa Shalay halkaa ka dhacayay oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux,kuna dhaawacmen ilaa 20 kale.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa Xaqiijiyay in Dagaalka uu Saaka dib u qarxay islamarkaana Rasaas Xoogan la isku adeegsanayo.

Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay Joojinta Dagaalka,maadaama lagu guda jiro Bil ramadaan loona baahan yahay in la Rurmeeyo.

Khasaaraha Dagaalka Saaka ka dhashay weli lama Oga,Sababo la xariira Dagaalka oo weli soconay

Hoos ka Dhageyso Codka:-