DAAWO SAWIRRADA:-Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta ka furmaya Baydhabo.

0

Baydhabo, 22 June 2016 (Villa Somalia)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya, halkaa oo uu si rasmi ah uga furi doono shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Agendayaasha ugu waaweyn ee la filayo in looga doodo shirkan ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda,sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

Waxaa shirkan ka qeybgalaya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno kale.

—————————–DHAMMAAD————————

 

M M1 M2 M3 M4 M5 M6 M7
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so