Xukuumada Kenya oo amar ka soo saartay Qaxootiga Soomaalida ee Kenya Jooga

0

Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar cusub oo ku aadan in Qaxootiga Somalida ee ku nool Magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya inay tagaan Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Qorshaha Xukuumadda Kenya ayaa ah in marka la gaaro Bisha November ee sanadkaan ay albaabada isugu laabto Xeryaha Dhadhaab oo ay ku jiraan kumanaan ruux oo Somali ah, kuwaasi oo dalkooda uga cararay colaad sokeeye.

Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery, ayaa sheegay Qaxootiga jooga Magaalooyinka inay tagaan Xeryaha Dhadhaab, islamarkaana loo baahan yahay in halkaasi lagu tirakoobo.

Qaxootiga ku nool Magaalooyinka waaweyn ayaa lagu qiyaasay 100,000 waxaana la sheegay in inta badan ay ku nool yihiin Magaalada Caasimada ah ee Nairobi.

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya ayaa sheegay Xukuumadda inaysan u dulqaadaneyn wixii hada ka dambeeya culeesaadka kala duwan ee Qaxootiga ay ku hayaan Dalka Kenya.

Inta badan dadka Qaxootiga ah ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalooyinka ayaa waxa ay ganacsi kala duwan ku haystaan Magaalada Nairobi iyo Magaalada Mombasa.

Mar uu shalay ka hadlaayay xaflada lagu maamusaayay maalinta qaxootiga adduunka ayaa waxa u Mr Nkaiserry sheegay in falalka amni darada oo ay dalka Kenya ka geystaan Al Shabaab ay ku qasabtay in ay ku dhaqaaqan talaabadaasi waxaana u intaasi ku daray in ay Xeryaha Qaxootiga Ganbaad u noqdeen dadka falalkaasi amni darada ah ka geysto Kenya.

Nkaiserry ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in ay dadaal dheeri ah muujiyaan si loo xasiliyo dalka Somaliya waxaana isagoo hadalkiisa sii wato u sheegay in dib u celinta Qaxootiga Somalida Kenya loo maraayo Heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee Kenya, UNHCR iyo Dowladda Somaliya horay u dhexmaray.