XOG RASMI AH:- Goormee ayuu furmayaa Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Baydhabo lagu qabanayo

0

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran uu ku furmayo ayaa ka socota Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ahna Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Maanta ayaa la filayaa in ay tagaan Madax ka tirsan Maamul Goboleedyada Soomaaliya si ay berri oo ah 22-ka June ay uga qeyb galaan Furitaanka Shirka Madasha wada-tashiga Qaran oo ka furmaya Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ayaa sare u qaaday Amniga,iyadoo wadooyinka iyo Xarumaha Muhiimka ah lagu arkayo Ciidamo aad u badan oo Feejignaan ay ka muuqato.

Dhanka kale waxaa Baydhabo ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo halkaa uga sii horeeyay Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee ku Qul qulaya Baydhabo.

Shirkaan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Hogaamiyaasha Soomaalida waxaana looga hadli doonaa qaabka loo wajahayo Doorashada 2016 Dalka ka dhacaysa.