XOG:- Miyaa la qeybsaday Wakiilada Aqalka sare ee Puntland ka heshay DFS ?

0

Warbaahinta ayaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay isla dhexmareyey warar sheegaya in Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas wuu qeybiyey xubnaha Aqalka Sare ay ka heshay Puntland, taas oo tiro ahaan dhan 11 xubnood, oo ay horey Madasha Wadatashigu iskugu raaceen.

Warar ay heshay Saxaafada Xaafiiskeena magaalada Nairobi ayaa sheegaya in labo kulan oo arrimahan looga wada hadlay ay dhaceen horaantii todobaadkan, aysana jirin wax is faham ah oo ka soo baxay ama qeybin toos ah oo looga wada hadlay.

Beelaha Puntland ayaa doonaya in ay mid kasta hesho xubin Aqalka sare ah, balse soo jeedin ayaa ka timid dhinacyo badan taas oo kala xadideysa beelaha ka mid noqon doona Aqalka Sare ee dawladda Soomaaliya.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in qaar kamid ah madaxda ugu sareysa dawladda Puntland ay sheegeen in xubnahan loo qeybsan doono qaabka gobalada, aysana xubin ka noqon doonin Aqalka sare, beeshii horey Xildhibaan ugu lahayd baarlamaanka Faderaalka.

Sidaas oo kale shaqsiyaadka loo xulayo ka mid noqoshada labada Aqal ee dawladda Soomaaliya dhinaca Puntland waxaa ku xiran Sharuudo badan oo ay adag tahay in ay Siyaasiinta badankoodu uga gudbaan, maadaama matalaad Shacab oo dhab ah la raadinayo.

Saxaafada waxay ogaatay in aan wali si rasmi ah loo qeybsan xubnaha Aqalka Sare, laakiin ay suuragal tahay in marka uu Madaxweynuhu ka laabto magaalada Baydhabo uu maanta tagayo ay suuragal tahay in la qeybiyo.

Xasaasiyad weyn ayaa ku xeeran qeybintan, iyadoo ay caasumada Puntland hadda joogaan in badan oo kamid ah Siyaasiinta Puntland, waxay doonayaan in ay xooga saarayaan sidii ay xubno uga noqon lahaayeen Aqalka sare ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.