XOG:- Maxaa ka cusub Hadal heynta Khilaafka Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey+Siyaasiyiinta oo Aragti ka dhiibtay

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay Khilaaf  la sheegay in uu u dhexeeyo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Cameey.

Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Khilaafka Masuuliyiintaan uu salka ku hayo qaabka loo soo xulayo xubnaha aqalka sare u matalaya maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay in uu doonayo in kaligiis uu soo xulo dhammaan Xubnaha u matalaya Puntland aqalka sare, halka ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cameey uu ku doodayo in laga tala geliyo dadka ku dhaqan deegaanada Puntland walow uu ku gacanseeray Madaxweynaha Puntland soo jeedintaas.

Daahir Cabdiqaadir Muuse ( Daahir Cirro) oo ka  mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ku tilmaamay khilafka labada masuul mid aan sahlaneyn wuxuuna ku micneeyay in aysan jirin wax tanaasul ah oo mid kood laga yaabo in uu sameeyo marka loo eego khilafkooda heerka uu gaarsiisanyahay.

Hase ahaatee Siyaasi Cirro ayaa cadeeyay in soo xulista Xubnaha Aqal sare ee Puntland matalaya uu xaq u leeyahay Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu dambeyn Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland aya la soo sheegayaa in ay wadaan isku dayo ay ku doonayaan in ay ku dhex dhexaadiyaan labadaasi masuul ee muranka siyaasadeed  u dhexeeyo inkastoo aan la ogeyn meesha ay ku dambeyn doonto waan waantaas.