XOG HOOSE:- Saxaafada oo ogaatay Sabab uu xilka ku weyn karo Ra’iisul Wasaare Cumar

0

Waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Laga yaabo inuu waayo xilka arrimo soo cusboonaaday awgood.

Waxaa jiray khilaaf siyaasadeed maalmahan kala dhaxeeyay madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud taas oo ka timid shirarkii madasha ee Muqdisho.

Xogtu waxay tilmaameysaa in Ra’iisul wasaaraha la saftay maamulka Puntland oo beel ahaan uu kasoo jeeddo, islamarkaana ka baxay ballamihii uu Xasan ka qaaday markii la magacaabayey.

Hadaba Xasan waxa uu diyaarinayaa mooshin degdeg ah oo xilka looga tuuro Cumar si aanu raad badan ugu yeelan arrinta ku aadan doorashada 2016-ka.