Xiisad Colaadeed oo ka taagan Dalka Baxreyn iyo Wadaad Caan ah oo hal Arrin loo diiday

0

Kummanaan qof oo dhigaya dibadbaxyo ka dhan ah dowladda Baxreyn ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee wadaadka caanka ah ee shiicada ka tirsan ee shalay dowladda ay kala laabatay dhalashadii waddankaasi.

Dadkan ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah boqorka dalkaasi boqor Xamaad bin Ciisa al-Khaliifa iyo dowladdiisa.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Baxreyn ayaa horey uga digtay dibadbaxyo la xiriira arrintaasi.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa wadaadkaasi oo lagu magacaabo Sheekh Ciisa Qaasim waxa ay ku eedeeyeen in uu hurinayay rabshado ku dhisan madaahiibta.

Dhanka kale janaraal caan ah oo u dhashay dalka Iraan ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda Baxreyn ay ka dhalan karto kacdoon hubeysan oo ka dhan ah dowladda dalkaasi.

Sidoo kale mareykanka ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay dowladda Baxreyn dhalashada uga xayuubisay wadaadkaasi.