WAR DEG DEG:- Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo Goordhow lala eegtay Ciidamada Dowlada

0

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in halkaasi Qarax Xoogan lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan oo bam gacmeed ahaa ayaa lagu weeraray Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa Xaafada Via-Wajeer ee Degmada Marka oo qiyaas ahaan 109Km dhanka Koonfu Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ku dhintay hal Ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 6 kale oo labo ka mid ahi ay yihiin Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Xoogaga Dowladda ayaa Qaraxa kadib waxey howlgallo kala duwan ka bilaabeen Xaafadaha qaar ee Magaalada Marka inkastoo aan weli la soo sheegin hadii Dad ay u soo qabtay Qaraxaasi.

Sikastaba, amniga Magaalada Marka ayaa faraha ka sii baxayay muddooyinkii ugu dambeeyay iyadoona qeybo ka mid ah Magaaladaasi lagu weeraray Xoogaga Dowlada Federaalka Soomaaliya.