WAR DEG DEG AH:- Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Iyo Wafdi Uu Hogaaminayay Oo Galabta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Doolow .

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in galabta degmadaasi gaareen Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar iyo Wafdigiisa markii ay gaareen degmada Doolow in si diiran ay ugu soo dhaweeyeen maamulka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ee ku dhaqan degmadaasi.

Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar iyo Wafdigiisa ayaa galabta waxa ay kulan afur ah la qaateen odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshoweyta ku dhaqan degmada Doolow.

Sidoo kale Ugaaska Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxaa lagu wadaa inuu beri kulan afur ah la qaato Mas’uuliyiin ka socota Maamulka Jubbaland oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Maamulka degmada Doolow.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aden iyo wafdiyo ay hogaaminayaan in ay gaaraan degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Isku soo wada duuboo tagitaanka Doolow ee Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay fureysaa jawi cusub oo leh dhaqan iyo siyaasad oo soo wajahaya Gobolka Gedo.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media