Maxaa ka cusub Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dalka ee Salka ku haya Doorashada ?

0

Warar Hoose oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in dhinacyada dawladda Faderaalka, gaar ahaana sadexda masuul ee ugu sareysa ay si aad ah iskugu hayaan arrimaha Doorashada, gaar ahaana Guddigii la magacaabay, Jadwalka iyo arrimaha Maaliyada taas oo xaaladeeda si weyn looga dareemayyo Muqdisho.

Madaxweynaha & Ra`iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ayaa si adag iskugu haya hanaanka doorashada dalka, siiba waqtiga doorashadu sida rasmiga ah u dhacayso, xili cadaadisyada ay la kulmayaan Madaxda dawladda Soomaaliya.

Ilo ku dhaw dhaw Xaafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Madaxweynuhu go’aansadey si iskiis ah magacaabida guddiga doorashooyinka ee dalka, uusana kala tashan dhinacyada Ra`iisulwasaaraha.

Arrinta xasaasiyada kicisey ayaa ah arrinta la xariirta shaqsiyaadka mataleya Xaafiiska Ra`iisulwasaaraha iyo magacyada Gollaha Xukuumada ee Liiska lagu qorey, oo aan haba yaraatee waxba latashi ah marin.

Sidaas oo kale Gudoomiyaha baarlamaanka oo hadda ciyaaraya kaalin siyaasadeed oo mug weyn ayaa garab saar la yeeshay Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud, waxa ayna isku raaceen magacaabida guddiyadan iyo sidii mar kale ay xoogooda u mideyn lahaayeen.

Shirka Baydhabo ka furmaya berri 22 June 2016 qodobada hareyn doona ayay ka mid noqon doonaan Khilaafka dhinacyadan, waana wax Soomaalida hogaankeeda lagu yaqaan Is khilaafka waqtigan oo kale, iyadoo la og yahay marxaladda Xasaasiga ah ee uu marayo dalku.