WAR DEG DEG AH:- AMISOM iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Kulbiyow.

0

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan deegaanka Kulbiyow ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ku dagaalameen ciidamada Kenya ee AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 3 qof, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee ddagaalkaasi ku dhaawacantay.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Hoolaa Wajeer oo 30KM dhanka koonfurta uga beegan magaalada Kulbiyoow ee gobbolka Jubbada Hoose.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa waxa ay caawa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media