DAAWO VIDEO+WAREYSI+SAWIRRO:- 16-sano ka dib Makaroofankii BBC-da ayuu ka tagay, Qof Nuucee ayuu ahaa ? Riyadiisa Maxaa run kaga noqday ?

0

Ka dib muddo 16 sano ah oo Suxufiga C/raxmaan Maxamed Aadan (C/raxmaan Koronto) uu ka shaqaynaayay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayuu soo gaba gabeeyay waayihiisii BBC.

C/raxmaan Maxamed Aadan, ayaa Laanta afka Somaliga ee BBC ku biiray sanadkii 2000, ka dib markii uu ka mid noqday shaqaale ku guuleystay imtixaan ay ka qaaday BBC.

Isagoo ku sugan Magaalada London, ayuu Isniinti ku dhawaaqay in uu isaga tagaayo shaqadii uu ka haayay BBC, isagoo aan sheegin wax sabab ah oo uu uga tagey.

Qoraal ay BBC soo dhigtay bogga ay ku leedahay Shabakadda Bulshada Xiriirisa Facebook, ayay ku sheegtay in C/raxmaan Maxamed Aadan uu si iskiis ah uga tagey BBC, markii uu go’aankaasi qaatay.

Xaflad sagootin ah, ayaa C/raxmaan Koronto loogu sameeyay Xarunta BBC, waxaana xafladaasi ka soo muuqday madaxda iyo shaqaalaha laamaha kala duwan ee BBC, qaybteeda la hadasha Afrika.

Mudadii uu ka hawlgalaayay Laanta afka Somaliga, ayuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay, sida Tafaftire, Soo saare sare, Barnaamij soo saare dhinaca Raadiyaha & Online-ka.

C/raxmaan Koronto oo Suxufi rugcadaa ah, ayaa waxaa uu Saxaafadda ku soo biiray dhawr iyo sagaashankii, sida uu ku sheegay wareysigiisii ugu dambeeyay oo Isniintii shalay uu siiyay BBC.

Koronto, ayaa ku waramaya in markasta uu yahay Wariye Soomaaliyeed, isla-markaana ka shaqeeya danaha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed, dadkuna ay ka fishaan Saxaafad wanaagsan.

“Mar walba Saxafi Soomaaliyeed ayaan ahay, kana shaqayn doona danaha iyo guud ahaan horumarka umadda Soomaaliyeed. Saxaafad wanaagsan ayaan rajeynayaa dadku inay iiga tashadaan, oo marnaba leex-leexad iyo waxba lahayn.” Ayuu yiri Koronto.

Si kastaba ha-ahaatee Koronto waxaa uu ka mid yahay Wariye-yaasha Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba laga garanayo, iyadoona la dhihi waxaa uu xubin ka yahay kuwooda looga daysado Saxaafadda.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17