Booliiska Mareykanka oo gacanta ku dhigay Nin doonaayay inuu dilo Musharax Donald Trump

0

Nin lagu eedeyay in uu doonayay in uu toogasho ku dilo musharaxa xisbiga jamhuuriga ee dalka mareykanka Donald Trump ayaa la soo taagay maxkamadda magaalada Las Vegas, ee dalka Mareykanka.

Ninkan oo lagu magaacaabo Michael Sandford ayaa maxkamadda horteeda aanan ka qiran in uu galay wax dambi ah.

Baarayaasha ayaa sheegay in ninkani uu qirtay in uu doonayay in uu dilo Donald Trump oo olole siyaasadeed ku lahaa Las Vegas maalintii sabtiga ahayd, isaga oo markaasi doonayay in uu dilo.

Waxaa ninkani lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu qori ka dafo askari booliska ka tirsan isla markaana uu doonayay in uu falkaasi ku fuliyo.

Maxkamadda ayaa loo sheegay in Michael Sandford uu shaqo la’aan yahay isla markaana uu qabo xanuunno dhanka dhimirka ah.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ninkani uu dalkaasi Mareykanka ku joogay sharci darro kaddib markii uu ka dhacay dal-ku-galkii uu halkaasi ku joogay.