XOG+XASAASI:- Isku shaandheynta Xukuumada Puntland Iyo Hadal Heynta Garoowe !

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ayaa sheegaya in si weyn isha loogu hayo Isku shaandheynta lafilayo in uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas, uu ku sameeyo xubnaha gollihiisa Xukuumadda, ka dib markii uu dhawaan baarlamaanka u sheegay in Isla Xisaabtam horey loo sameeyey natiijadiisu ay dhawaan soo bixi doonto.

Madaxtooyada Puntland ayaa ah mid mashquul ah, waxaana siyaasiin badan oo xilal doon ah ay buux-dhaafiyeen magaalada Garoowe, iyagoo doonaya in ay iska dhex arkaan xubnaha gollaha Xukuumada ee cusub.

Warar soo baxay xalay ayaa sheegaya in Isku shaandheyntan oo ah mid xasaasi ah ay suuragal tahay in dib loo dhigi karo ilaa asbuuca hore ee Bisha Luulyo, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in Liisku hadda diyaarsan yahay laguna dhawaaqi doono wixii ka dambeeya 26 June 2016, xiligaas oo uu soo dhamaan doono shirka magaalada Baydhabo ee Siyaasadda Soomaaliya.

Wasaaraddaha ugu muhiimsan ee Xukuumada Puntland ayey saameyn doontaa Isku shaandheyntan, waxaana sidaas oo kale sii muuqatay in wasaaraddaha qaarkood aan waxba Isbedel ah lagu sameyn doonin.

Goobaha lays kugu yimaado iyo Siyaasiintu waxay falanqeyn ku sameynayaan go’aanka horyaala Madaxweyne Gaas, waxayna sii darsayaan xubnaha shaqadooda waayi doono ee laga ceyrin doono Wasaaraddaha ay ku fashilmeen iyo kuwa la abaalmarin doono.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa hadda leh kalfadhigooda 37aad oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha dawladda Puntlland, waxaana lafilayaa in la horgeeyo gollaha Xukuumada marka la magacaabo, iyadoo dhankoodana ay sugayaan oo ay Ilgaar ah ku hayaan magacaabida soo yeeraysa.

Shaki ma saarna in uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas soo saari doono Isku shaandheynta dhamaadka ilaa bilowga bisha Luulyo, laakiin arrimaha xiisaha leh ayaa ah shaqsiyaadka la ceyrin doono iyo kuwa la keeno doono, oo ay Shacabka Puntland aad u sugayaan.