WAR DEG DEG AH:- Wafdi ka socda Qaramada Midoobe oo gaaray Galmudug+Ujeedada Socdaalka oo laga war helay

0

Wafdi ka socda Hay’addaha QM ayaa maanta Gaaray Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah Galmudug,waxaana halkaa ku soo dhaweyay Madax ka tirsan Galmudug.

Wafdiga ayaa Madaxda Galmudug ee kulanka la qaatay kala hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Doorashada 2016,Amaanka Galmudug iyo Sidii loo gargaari lahaa Dadka ku nool Degaanada Maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Hay’addaha QM ay kala hadlayaan sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha ah iyo kuwa Danta yar ee ku nool Galmudug.

Dhanka kale Mas’uuliyiin u hadlay  Wafdiga QM ee maanta gaaray Magaalada Cadaado ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta maanta loo fidiyay.