WAR DEG DEG AH:- Maxaa ka socda Xeebaha Koonfurta Gobalka Mudug?

0

Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Xarardheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in tan iyo xalay hawada ay ka maqan taha Isgaarsiintii magaalooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Koonfurta gobalka Mudug, waxaana la arkayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ku jira Hawada degmooyinkaas.

Warar aan ka helna deegaanka Ceel-Buur ee gobalka Galguduud ayaa sheegaya in ay xalay, halkaas ka baxeen ciidamo xoog leh oo kamid ah ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa dawladda Itoobiya oo ku sii jeeda Xeebaha gobalka Mudug.

Saraakiil kusugan Ceelbuur waxay u sheegeen warbaahinta dawladda Somalia in howlgalkan uu yahay mid qorsheysanaa mudo dheer oo ay talaabo uga qaadi doonaan kooxaha Argagixisada ah.

Diyaaradaha dagaalka ee dawladda Itoobiya ayaa qeyb ka qaadanaya howlgalkan ku wajahan Xarardheere & Hobyo, waxaana sidda hadda muuqata ladoonayaa in dhabarka laga jabiyo kooxaha halkaas ku nool.

Warar aan sugneyn ayaa xaqiijinaya in ay Al- Shabaab kusugan Xarardheere ay wadeen dhawaan abaabul dagaal oo aan la ogeyn halka ay ku qaadayaan, iyadoo la og yahay in ay halkaas mudo dheer gacanta ku hayeen.