WAR DEG DEG AH:- Maamulka Galmudug oo war ka soo saaray Al-Shabaabkii ay ku qabteen Deegaanadooda

0

Wasiir ku xigeenka Cadaalada ee Maamulka Glmudug, Maxamuud Guure Guuleed ayaa seegay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doono boqolaal Ruux oo qaarkood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab.

Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Wasiir ku xigeenka waxuu carabka ku adkeeyay in Dadkani ay qabaan dambiyo kala duwan, islamarkaana loo baahan yahay in cadaalada l waafajiyo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka Cadaalada ee Maamulka Glmudug, Maxamuud Guure Guuleed ayaa ka dalbaday Dadka wax heysta in ay afuriyaan Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Degaanada Maamulka Galmudug.

Hadalka Wasiirka ayaa waxuu imaanayaa maalmo un kadib markii Maxkamad ku taalla Magaalada Garoowe ay xukun dil ah ku riday 43 Ruux oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.