WAR DEG DEG AH:- Dagaal xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Taliyaha Nabad sugida…

0

Wararka ka imaanaya Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Halkaasi uu saacadihii la soo dhaafay Ka dhacay Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Rag hubeysan & Ciidamada Dowlada Somalia.

Dagaalka ayaa waxaa ay shabaabku sheegteen in ay ku dileen 2 askari oo ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka kuwaas oo watay gaari kadibna ay sida la shegay weerar jid gal ah loo dhigay.

Maleeshiyada Al-Shabaab waxaa ay sheegteen in weerarka ay iyagu ka danbeeyeen islamarkaana uu ka dhacay Nawaaxiga Baar Jowhar oo ku yaal xaafada Suuqa Xoolaha.

Saraakiisha DF iyo Dad goob jooga yaal ah oo aan la xiriirnay Inooma suuro gelin in aan xog intaa kaadan ka helno waxaase ay ku soo aadeysaa weerarka ka dhacay suuqa xoolaha xili habeen hore halkaa laga soo qabtay rag shabaab ah isla markaana uu kormeer ku tagay taliyaha cusub ee Nabadsugida Qaranka C/laahi Gaafoow Maxamuud.