UNHCR oo sheegtay Qaxootiga aduunka inay gaareen heerkii ugu sareysay

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in dagaalada ka taagan Siiriya iyo Afqaanistaan ay kor u qaaday tirada dadka ka barakacay guryahoodi sanadkii hore 2015, waxaana ay gaartey 65.3 milyan oo qof, dhamaadka sanadkii hore, taas oo kor u kacdey 10%, marka la eego sanadkii ka horeeyay.

Sanadkii 2014 ayaa ahaa sanadkii ugu badnaa ee la arko qaxootigii ugu badnaa tan iyo dagaalki labaad ee dunida waxaana ay markaas gaareen 60 milyan oo qof UNHCR ayaa sheegaysa in 51% qaxootiga adduunku ay yihiin caruur.

Hay’adda UNHCR ayaa hoggaamiyaasha caalamka ugu baaqdey in laga hortago dagaalada taas oo dadka ku khasbaysa in ay guryahooda ka baxsadaan.

“Waxaan rajeynayaa in fariintayadu gaareyso hoggaamiyaasha caalamka, waxaan u baahanahay in tallaabo la qaado, mid siyaasaadeed la qaado, lagu joojinaayo iska hor imaadyada.” Sidaas waxaa yiri Filippo Grandi madaxa UNCHR,

Wuxuu hadalkiisa intaasi raaciyay “fariintayadu waxa weeye  Haddii aadan dhibaatada xalin, adiga ayey ku soo gaareysaa.”

UNCHR ayaa sheegtey dalalka ugu badan ee qaxootigu ka yimaadeen ayaa ah Siiriya, Afqaanistaan, Somaliya, dalka ugu badan ee haya qaxootiga dunida ayaa ah Turkiga.