TOP:- Sameyn ka dhalatay xiritaanka Xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya

0

Iyadoo  awaamiir dhawaan kasoo baxday Aqalka Madaxtooyada Dowladda Kenya lagu xiray gebi ahaanba soohdinta ama xadka ay wadaagan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa jira cabashooyin isisoo taraya oo ku,aadan hakad kuyimid isku socodka labada dad yoow , maadama xiritaankaasi xuduudka labada dal ay saameysay is dhaxgalka bulshada.

Cida ay sida gaarka ah u taabanayso arintaasi xirnaanshaha xuduudka ayaa waxa ay tahay Ardayda Soomaliyed ee waxbarashada ka dhigta Magaalada Mandheera ee dalka Kenya

Nabadoon  Idiris Gaaroodi Nuur oo ka mid ah waxgaradka ku nool Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa Idaacada Shabelle u sheegay in weli uu xiran yahay xadka kala qaybiya labada dowladood                                                  Taasina ay caqabad ku tahay nolasha kumanaan qof oo kunool degmada Baladxaawo maadama inta badan ay dhanka Kenya ka heli jireen adeegyada ay u baahan yihiin sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo waxyaabaha kale ee la halmaala

Nabadoon Idiris Garoodi Nuur ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in uu dhawaan jiray kulan ay wada qaateen masuuliyiinta degmada Baladxaawo iyo Saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan xuduudka waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ahayd sidii markale ay dowladda Kenya u furi lahayd xuduudka labada dowladood.

Balse uu fadhigaasi fashilmay maadama saraakiisha ciidamada Kenya ee soohdinta jooga ay masuuliyiinta Bbaladxaawo ku qanciyeen in amarkaan uu yahay mid kasoo fulay Madaxda ugu sareysa dalkaasi

Kol hore ayaa dowlada Kenya waxaa ay soo saartay Bayaan ay gebi ahaanba ku xireyso sohdinta ay Soomaaliya la wadaagto.

Tallaabadaasi ayaa dowladda Kenya waxa ay u cuskaneysaa xaqiijinta amniga dalkeeda iyo ka hortaga weeraro ay Al Shabaab soo qaadan oo dhanka soomaaliya kaga yimaada.

Dad badan oo odorosa Arrimaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa u arka go’aanka ay qaadatay dowladda dalkaas Kenya mid iyada dhibaato ku keeni doonto marka laga fiiriyo in ay si weyn ugu tiirsan tahay dhaqaalaha kaga soo xarooda Soomaaliya gudaheeda.