TOP NEWS:- Galmudug oo hubka ka mamnuuceysa Magaalada Cadaado

0

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Magaalada Cadaado laga mamnuucayo in lagu dhex qaato hubka sharcidarada ah ee dadka shacabka ah ku dhex sitaan gudaha Magaalada.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi, ayaa u sheegay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, inay wadaan qorshe ku aadan sidii hubka lagu dhex qaato Magaalada gudaheeda loo mamnuuci lahaa.

Waxa uu tilmaamay in hadda Cadaado ay ka wadaan ka xareynta ciidanka hubeysan oo la geeyo xerooyinkooda, islamarkaana sidoo kale magaalada laga mamnuuci doono hubka lagu dhex wato.

“Qoriga qof walbo ayaa iska haysto, waxaan wadnaa in xeryo ku xareyno ciidamada, magaaladana laga mamnuuco qof hub ku dhex wato, hadda waxaan wadnaa la tashiyo bulsho iyo saraakiisha ciidamada dhawaanna tallaabadan ayeeynu qaadi donnaa.” ayUu ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Hubka lagu dhex sito Magaalada Cadaado gudaheeda ayaa sabab u noqotay inuu faraha ka baxo ammaanka Magaaladaasi oo rasaas kala duwan ay ka dhaceyso xilliyada qaar Magaalada gudaheeda.

Sidoo kale Magaalada Cadaado waxaa ku badan isku dhacyada dhexmara ciidanka ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ee halkaasi ku sugan.