TOP NEWS:- Galmudug oo Ciidankii ugu badnaa Tababar uga fureysa Magaalada Cadaado

0

Dowladda Galmudug ayaa Tababar u fureysa Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari oo ka tirsan Dowladda Soomaaliyeed ee Galmudug.

Tababarka ayaa laga furi doonaa Xerooyin ku yaalla Magaalada Cadaado oo hadda Caasimad KMG ah u ah Dowladda Galmudug.

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in Ciidamo ku dhaw Kun Askari Tababar looga furi doono Degaanada Dowladda Galmudug.

Ciidamada Dowladda Galmudug ee Tababarka loo furayo ayaa ah kuwo laga kala keenay Magaalooyinka Gaalkacyo’Hobyo,Wasil,Galinsoor Cadaado,Godinlabe,Dhuusamareeb iyo Gurceel.

Ciidamadaan ayaa la bari doonaa Asluub wanaag iyo Wadaninimo sida ay noo sheegeen Saraakiil Galmudug ah oo Tababarka qeyb ka ah.