TOP NEWS: Falaagada Al Shabaab Oo Shan Booliis Ah Ku Dilay Deegaanka Dimu Ee Waqooyi-bari Kenya.

0

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa shan askari oo booliis ah ku dishay xadka gobolka waqooyi-bari ee Kenya, maanta oo Isniin ah, sidaana waxaa sheegay saraakiisha gobolka.

Guddoomiyaha degmada Mandera Cali Robow ayaa barta uu lu leeyahy Twitter ku sheegay in weerar ay Al-Shabaab saakay ku qaaday deegaanka Dimu lagu dilay shan boliis ah, isagoo cambaareeyay weerarkaas.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo la xiriira weerarka, sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Reuters.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bartilmaameed ka dhigatay xilliyadii la soo dhaafay degmada Mandera ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

Waxaa jiray weeraro sababay dhimasho Al-Shabaab ay horey ugu qaaday dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto weerarada illaa inta ay Kenya kala soo baxeyso ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan guddaha Soomaaliya.