TOP:- Maxaa ka cusub Maanta Magaalada Baydhabo ?

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaf wareegaaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo waxayna baarayaan dadka maraya wadooyinka iyo sidoo kale guryaha.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu  ka furmo Shirka Madasha wadatashiga Qaran,oo ay qeybgalaayaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Midowga ee AMISOM ayaa la wareegay ammaanka halka shirka uu ka dhacayo, iyadoo fariisimo ka sameystay banaanka xarunta shirka.