Nin Soomaali ah oo u dagaallamayay Jabhadda Al-Nusra oo lagu dilay Syria

0

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Abu Zubeyr Al-Soomaali ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Khalsa ee Koofurta Magaalada Xalab ee Dalka Syria.

Ninka Soomaaliga ah ee geeriyooday ayaa ka bar bar dagaallamayay Jabhadda Al-Nusra ee ka dagaallanta Syria,waxaana uu ku dhintay dagaal ay la galeen Ciidanka Syria.

Bar Internet ah oo lagu magacaabo Syrian News ayaa lagu shaaciyay in Ninkaasi ay dileen Ciidanka Syria ee SAA lagu magacaabo ,kuwaas oo uu kula dagaallamaya Magaalada Khalsa.

Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa dhowr jeer shaaciyay in Dhallinyaro Soomaali ah ay ku biureen Daacish kuwaas oo ka tagay Waddamadooda.

Ninkan lagu dilay Syria lama sheegin halka uu Syria ka galay iyo waqtiga uu ku biiray Kooxda Al-Nusra ee dagaalka kula jirta Dowladda Syria.