Kumanaan Muslimiin ah oo mudaaharaad ka sameeyay magaalada Paris.

0

Kumanaan qof oo muslimiin ah ayaa dibad bax ay uga soo horjeedeen dilkii Sarkaal ka tirsanaa Poliska Faransiiska, oo ku dhintay  gacanta  xagjir faransiis ah, ayaa maanta ka sameeyay bartamaha magaaladaasi Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Dibad baxaasi waxaa soo abaabulay Ururada Islaamiga ah ee ka dhisan faransiiska, waxana lagu  xushmeynayay Sarkaalkaasi la dilay.

Warbahinta dalka Faransiiska, ayaa qortay in dibadbaxyaashaasi oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 5kun qof, ay isugu tageen Masjid weyn oo caan ah, kuna yaal magaalada Paris,iyagoo sitay boorar ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin ” aan ka hortagno ficilada waxashnimada ah ee ka dhanka ah Diinta islaamka”

Waxayna Muslimiintaasi bananbaxay ku tilmaameen dilka loo geystay Sarkaalkaasi jariimad weyn oo diinta Islaamka ogoleyn.