Hay’ada QM u qaabilsan qaxootiga oo war ka soo saartay Qaxootiga faraha badan ee dunida ku nool

0

Hay’adda qaxootiga adduunka ee Qaramada midoobey ayaa sheegaysa in tirada dadka ku barakacay colaadda ay gaartay heerkii ugu sareysay inta la ogyahay taariikhda.

Hay’addani oo soo saartay warbixin sanadla ah oo ay ku eegto tirada dadka colaadaha ku barakacay ayaa sheegtay in dhammaadkii sanadkii 2015-kii, 65.3 milyan oo qof ay barakeceen dunida oo dhan, iyadoo 113-kii qof ee dunida ku nool mid ka mid ah uu yahay qaxooti, magan-gelyo doon ama qof ku barakacay gudaha dalkiisa.

Coladaha iyo tacaddiyada sii kordhaya ayaa sanadkii hore dad badan ku khasbay in ay ka qaxaan guryahooda, arrintaasi oo sababtay in ay tirada qaxotiga addunka ee ay soo bandhigtay hay’adda Qaramada Midoobay ay koor uu dhafto 65 milyan oo qof.

Taradaasi ayaa noqoneysa mid shan milyan oo qof ka badan marka loo eego tiradii hay’addani ay shaacisay sanadkii hore, iyadoo waliba markii ugu horeysay caalamka qaxotiga jooga uu koor u dhaafay 60 milyan oo qof.

Kala bar dadka qaxotiga ahi aya waxa ay ka soo qaxeen dalalka Suuriya, Afghanistaan iyo Soomalia.

Dalka jarmalka ayaa ah waddanka qaabilay qaxootiga ugu badan ee adunka, waxaana Qaramada midoobay ay sheegatay in taasi ay turjumeyso sida jarmalku uu diyaar ugu yahay in uu aqbalo qaxotiga ka soo tallabaya badda Mediterraneanka.

Boqolkiiba 86 qaxootiga addunka ayaa waxaa ay ku nool yihiin waddamo uu dhaqaalahooda liito, waxaana Qaramada midoobay ay sheegtay in dowladahu ay tahay in ay mujiyaan isku duubnaan si loo wajaaho qulqulka muhajiriinta ee soo badanaya.