Donald Trump oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Musharaxa ugu cad-cad tartanka xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in haatan la joogo xilligii dalkaasi Mareykanka uu si dhab ah uga fikiri lahaa adeegsiga qaab dad gaar ah lagu bartilmaameedsanayo si loola dagaalamo dambiyada dalkaasi ka dhacaya.

Trump ayaa hadalkan ka jeediyay teleefishinka CBS kaddib markii la weydiyay in uu taageerayo iyo in kale, in si aad ah isha loogu hayo dadyowga muslimiinta ah ee dalkaasi, marka la eego weerarkii usbuucii hore ka dhacay magaalada Orlando ee dadka badan lagu laayay.

Waxa uu sheegay in waddamada kale ee marka ay dambiyada la tacaalayaan dad gaar ah isha ku haya, iyaga oo eegaya midabkooda, diintooda, dhalashadooda iyo xitaa isir ahaan ay ogaan karaan qofka laga yaabo in uu fal dambiyeed gaysto.

Xeer ilaaliyaha guud ee mareykanka Loretta Lynch ayaa ka digtay in xeeladaha noocaasi ah ay suurtagal tahay in ay cawaaqib xumo ka dhalato, iyaga oo keeni karo in la takooro Muslimiinta.

Donald Trump