Dib u dhac ku yimid Shirka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran

0

Dib u dhac ayaa waxaa uu ku yimid shirka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran oo lagu waday in maanta uu si rasmi ah uga furmo Magaalada Baydhabo.

Lama oga waxa ugu wacan dib u dhaca shirkaasi hase ahaatee Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa iyagu sheegay in Arbacada soo aadan oo ku beegan 22-ka bishaan Jun la filayo in uu furmo Shirka.

Shirkaan ayaa Wajigiisii hore ku soo gaba gaboobay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaa ka wada hadlaya dhameystirka  in ay wadar ogol ka gaaraan qodobada qaar oo ay isku mari la’yihiin.

Qodobada aadka ay dhinacyadu isku mari la’yihiin waxaa ka mid ah Maqaamka ay leedahay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.